Ciidamada Nabadsugida oo qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida maamulka Galmudug ay xalay saqdii dhexe gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaarigan oo la sheegay inuu ahaa gaari Caasi ah, kaasoo lagu qabtay inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure.

Saraakiisha Nabadsugida Galmudug ayaa sheegay in gacanta lagu haayo labo qof oo gaarigaas la socday, waxaana ay tilmaameen in Al-Shabaab ay dooneysay in gaariga qaraxa ku weerarto Caabudwaaq.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga qaraxa siday uu ka yimid deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku...

Read The Rest at radiowehel.com

Comments

Loading ...