DEG DEG: 9 ruux oo cudurka shuban biyoodka ugu geeryootay degmada Xarfo ee gobolka Mudug

Gaalkacyo (RBC Radio) Inta la xaqiijiyay 9 ruux ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeryootay saddexdii maalin ee ugu dambeysay degmada Xarfo ee gobolka Mudug,sida ay Raxanreeb ka soo xigatay mas’uuliyiinta deegaanka.

Dadka dhintay waxaa ku jira lix carruur ah iyo saddex haween ah,waxaana la sheegay ku dhawaad 40 ruux xilligan inay la il-daranyihiin cudurka,iyadoo saacad walba ay dhici karto in shuban biyoodka ay dad ugu geeryoodan degmada Xarfo.

“Cudurkan magaalada waxaa lugu arkay saddexdii maalin ee ugu dambeysay ilaa haddana sagaal ruux ayaa u dhimatay.” ayuu yiri guddoomiyaha degmada...

Read The Rest at raxanreeb.com

Comments

Loading ...